..... Bogan waxad ka daalacan kartaa warar iyo wacaal sugan oo ku saabsan J.Somaliland iyo Caalamka kale ........."Ha Jirto Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed"........

Monday, September 25, 2017

Shirqoolkii Birmingham-qaybtii 5aad ee u dambaysay: Cali Cumar Xasan.


F.G: Akhriste, si aad sheekada oo dhan u fahamto fadlan, ku horee akhriska qaybihii hore oo aan hoosta kuugu soo lifaaqay.

- Akhristayaasha milgoda-leh, intiinii qoraaladan kooban (shirqoolkii Birmingham) la socotay iyo darka kale ee haatan dhexda kaga soo biirayoow, qaybaheenii hore ee sheekadan waxan ku soo bandhigay mushkilado aan tafaasiishoodaa si dul-carar ah uga soo sheekeeyay, oo mudo dheer soo socday oo na dhex-yaal dad Holland-iis ah iyo qaar Soomaali ah. Hadaba, qaybtan maanta oo ah tii 5aad ee u dambaysay waxaynu qooraansiyi doonaa dhawr qodob, oo kale duwan oo ay ugu mudan yihiin haweenay iga yaabisay! Sahra Xasan iyo sababaha igu kalifay in aan dhacdooyinka dadka la wadaago Iyo gunaanadka sheekada.

B. Haweenay iga yaabisayQiyaastii mudo haatan laga joogo 13sano, ayaan email ka helay qof magac dumar leh. Xiliyadaas-na, dagaalka qabow ee ay Soomaalidu tidhaa fadhi-ku-dirirku halka u saraysa ayuu marayay, oo colaad Isiri ah oo qabyaaladaysan ayaa baraha-bulshadu ku kulanto ka socday! Xantashadu aad ayay u badnayd mararkaas, oo ruuxii danqara beeshiina iyo shu-uumaheeda weeraar aanad waxba ula-hadhin ayaad jagac ku siinaysay. Dabcan, sabanadaa anna waxan ka mid ahaa Kumanaanka qof ee fekerkooda website-yada ku-baaciya (ku qorqora), ee email-adooda Internat-ka si sahal ah looga heli karo. Sidaas darteed, in aan e-mail ka helaa shakhsi aanan garanaynin wax qalaad iguma ahayn. 

Markii aan hadaba email-shii akhriyay waxan u qaatay inuu ii soo diray qof(nin) i-garanaya balse is-yeeyeelaya! Waayo, waxa ku jiray weedho kaftan iyo amaan iskugu jira. Dabadeed,  annaga oo aan is-xogwaraysan ayaan durba Jawaabo kulkulul isku-dhiibnay. Taasina waxa ay keentay in hadallo aanay sheegistoodu halkan ku haboonayn ay na dhex-maraan. Yaabka yaabkiisa, shaw qofku waa ruux dumar  ah oo Ilaaq doon ah! Waar ilayn yaabkaa badanaa! Si kastaba ha ahaatee, markii aan yiqiinsaday inaan Xaawa-lay la hadlayo ayaan kelmado la tuurtuuray. Haba samayn lahaydaa! Oo miyay hakanaysaa oo ay hadhasaaba! Maalin kasta way soo taagan tahay. Sanado ayaanu sidaa iskugu badhxanayn oo cayda ay shubayso aad fajacaysaa. Aakhirkii, waxay ku dhaaratay inay i-ceebaynayso oo ay waxii aanu is-nidhi iyo wax kale oo ay ku dartayba dadka tusi doonto.

Talaabadii xigtay ee ay ku kacday waxay noqotay, in ay shaaraca wax kasta soo dhigto! Iyada oo dhalin-yaro ay isku xidhan yihiin iyo weliba, qolyo reer Soomaaliya ah oo website-yo leh ka dhaadhicisa inaan ahay nin ka mid ah dadka caruurta laga ilaaliyo (paedophile)! Bartaas weeyi halka ay dacaayadii aan hor-dhaca ku soo sheegay ka soo bilaabantay, welina dadkii ay maskaxda inantaasi ka xaday waa ay aaminsan yihiin oo sii faafiyaan.  Sida ay runtu tahay, walaasheen waxa ku dhacay xanuun khasbaya oo ku dirqiyaya inay iga-daba shaqayso, oo ay fadeexadayntaas uun la wareegto! Sida ay dadka wax ka yaqaan xanuunada maskaxda ku dhaca aaminsan yihiin, cida ku dhaqanta arimaha noocaas oo kale ah ee ay kaga dhegto inay qof uun daba-socdaan-na, waxa la xaqiijiyay inaanay xis ahaan fayoobayn. Sidaas awgeed, waxan hadalka gabadhaas kaga baxayaa in aan u-ducayno inuu Allah caafiyo.

T. Sahra Xasan, oo ah gabadha sababta u ah in aan soo bandhigo qoraalkan, aad iyo aad ayaan halkan mar labaad ugaga mahad-naqayaa. Intaas ka dib, kolkii ay Sahra ii timid ee ay fariinta "Hanjabaad" ah ay ii keentay waxan uga sheekeeyay dhibta ka taagan Internet-ka iyo sida dad makas ahi ay waxay doonaan ugu sameeyaan ee ay ugu dhooqaystaan, iyo weliba halka ay ka timid ama ay daaran tahay xasaradda aniga igu socota ee ay soo maqashay ee ay ka damqatay. Intaas waxan u raaciyay, in aanay ii baqan ee ay calool diirani ku seexato oo ay ku soo toosto. 

J. Gabogabo iyo gunaanad: Intii aan ku gudo-jiray soo gudbinta qoraaladan yaryar ee koobkooban ee aniga i khuseeya, dad badan ayaa i soo waydiiday bal inaan uga sheekeeyo waxa aan ku sameeyay dadkan igu xad-gudbay ama aan haatan la damacsanahay! Qaar kalaa igu yidhi; "waar miyaanad tol lahayn kuu hiiliya"... Kaftan-ba ha iga ahaatee, in badan oo ka mid ah waxan ugu jawaabay; "Siciid Fisigis waydiiya". Siciid Fisigis, waa qofka kaliya ee reer Somaliland ee dhinaca aan is-hayno la safan! Taas ka sokow hadaba, marka runta la is-dul-taago, waxii rag samayn lahaa ee haatan ahaan ku haboonaa waan sameeyay, waxa laaban-na nin ay talo hoos-marayso ma ihiye waa loo diyaar! Ta u dambaysa ee aan rabo in aan dadka u iftimiyaa waxa ay tahay in, ujeedada ugu mudan ee aan ka lahaa qoraalkan ahaa in aan qanciyo hablo badan oo xigto ah oo ay Sahra Xasan ka mid tahay, oo been aniga igu saabsan lagu dawikhiyay, oo aan bal sida dhabta ah ee ay wax u jiraan u-yara sharaxo.

Akhristayaal, waxan idiinka mahad-celinayaa waqtiga aad siiseen daalacashada sheekooyinkan aan caadiga ahayn, ee aan la iiga baran ee aan sida "badhaysada" suuqa ugu soo daayay. Sidaas iyo nabadeey.

F.G; Halkan hoose guji oo ka akhriso qaybtii hordhaca sheekada ee ugu horaysay;

"Ha jirto J.Somaliland oo Ha joogto"

Cali Cumar Xasan.

No comments:

Post a Comment